Chelsea Oo £52 Million Oo Bound ku Qarash Gareen doonta Badalka Eden Hazard, Hadaba Waa Kuma Xidigaas.

0

Kooxda Kubada Cagta Chelsea ayaa walaac badan ka qabta inay waayaan xidiga reer Belgium Ee Hazard kasoo laga yaabo in uu isaga Tago kooxda London ka Dhisan.

Blues ayaa dhowr dalab kala duban ka heysata kooxda Real Madrid kubaas dhamaan laga soo gudbiyay Hazard, wiilka Belgium-ka ah ayaa dhowr jeer ka dhawaajiyay xiisaha uu u qabo ku biirista Madrid tasoo sii xoojisay cabsida kooxdiisa Chelsea.

Kooxda Uu Hogaamiyo Sarri ayaa haatan diyaar u ah in xidaga U ciyaara kooxda Lyon ee Fekir inay la soo saxiixdaan Bisha Janaayo Kaas oo ay u arkaan badalka Eden Hazard.

Nabil Fekir ayaa lagu wadaa in uu Lyon Ka Tagi doono hadii ay ka helayaan qarashaad badan waana saxiixa ugu macquulsan ee Chelsea ka heli karto suuqa bartamaha xilli ciyaareedka.

Fekir Kubad sameeyaha kooxda Lyon ayaa kal Hore ku biiray kooxda Egland ka ciyaarta ee Liverpool inkistoo dib loogu celiyay kooxdiisa kadib markii isfahan waa uu soo kala dhex galay labada koox.

Chelsea ayaa diyaar u ahay ina Bixiyaan £52 Million oo Bound si ay helaan wiilka Reer France Nabil Fekir kaas oo ay u arkaan badalka kaliya ee Hazard.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here