Chelsea & Borussia Dortmund Oo Ka Heshiiyay Saxiixa Christian Pulisic & Wakhtiga Uu Da,yarka Ku Biiri Doono Blues Oo La Ogaaday

0

Wararka ka imanaya dalka Germany ayaa sheegaya in ay kooxda Chelsea kooxaha Liverpool & Arsenal ku garaacday saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Borussia Dortmund ee Christian Pulisic.

Wargayska Bild ayaa sheegaya in ay kooxda Borussia Dortmund ogolaatay in uu Christian Pulisic ku biiro kooxda Chelsea marka la gaadho suuqa Xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ay chelsea bixin doonto lacag dhan 50 milyan oo euro iyada oo uu xiddigu ku soo biiri doono dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Chelsea ayaa markii hore doonaysay in ay saxiixa xiddiga hesho suuqa January laakiin Borussia Dortmund ayaa diiday arintaas iyaga oo aan fasaxayn xiddiga suuqa January.

Sidaas darteed xiddiga ayaa si Rasmi ah ugu biiri doona kooxda chelsea dhamaadka xilli ciyaareedkan isaga oo saaxiibadiisa cusub ee chelsea kula biiri doona isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

Wargayska ayaa intaas ku daraya in uu xiddiga 20 jirka ah sidoo kale ogolaaday heshiiska shaqsiga ahna la gaadhay kooxda Chelsea

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here