Chelsea & Bayern Munich Oo Lagu Waramayo In Ay Ka Heshiiyeen Saxiixa Callum Hudson-Odoi & Faah-Faahinta Heshiiska Oo La Ogaaday

0

Kooxda Bayern Munich ayaa lagu soo waramayaa in ay ugu dambayn chelsea kala heshiisay saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara Blues ee Callum Hudson-Odoi.

Bayern Munich ayaa dhigeeda chelsea kala heshiisay saxiixa xiddiga garabka ka ciyaara ee Callum Hudson-Odoi kaas oo ay doonaysay suuqa Jnauary.

Wargayska Daily Star ayaa sheegaya in ay kooxda chelsea ogolaatay in uu da,yarka Callum Hudson-Odoi ku biiro kooxda Bayern Munich kadib 30 milyan oo euro oo ay miiska saartay.

Wararka ayaa sheegaya in ay Bayern Munich marka hore xiddiga ku heli doonto heshiis 18 bilood ah oo amaah ah ka hor inta ayna si toos ah ugula wareegin 30 milyan oo euro.

Da,yarka oo ka mid ah xiddigaha aadka loo qiimeeyo ayaa doonaya in uu isaga tago kooxda Chelsea si uu ugu biiro koox uu joogto ugu ciyaaro.

Bayern Munich oo raadinaysa badalka xiddigaha Arjen Robben & Franck Ribéry ayaa da,yarka u aragta mid buuxin kara booska labada halyeey waliba mustaqbal fiican ku leh kubada cag

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here