Charlie Nicholas Oo Magacaabay Labada Xiddig Ee Sababta U Ah Qaab Ciyaareedka Fiican Ee Liverpool

0

Halyeeyga Kooxda Arsenal ee Charlie Nicholas ayaa magacaabay 2 xiddig oo sabab u ah in ay Liverpool u tartanton premier league iyo champions League xilli ciyaareedkan todobaadyadii ugu dambeeyay.

Charlie Nicholas ayaa rumaysan in xiddigaha Virgil Van Djik iyo Sadio Mane sabab u yihiin in ay Liverpool u tartanto horyaalka premier League iyo waliba champions Leageu.

Reds ayaa 7 dhibcood ku qaban kartay hogaanka horyaalka premier League bilowgii bisha Janaury laakiin waxa ay lumisay dhawr dhibcood taas oo keentay in ay u dhaadhacaan kaalinta 2-aad.

Arbacadii Kooxda Liverpool ayaa goosatay tigidhkeeda 8 dhamaadka champions League kadib markii ay garaaceen kooxda Bayern Munich.

Xiddiga reer Senegal ayaa dhaliyay 2 gool kulankii 2-aad ee wareega 16-ka isaga oo sidaas ku dhaliyay goolkiisii 10-aad 10-kii kulan ee ugu dambeeyay.

Halyeeyga Gunnars ee Nicholas ayaa sheegay in Sadio Mane iyo xiddiga Van Dijk sabab ka yihiin qaab ciyaareedka cajiibka ah ee Reds.

“Waxa ay ahayd natiijo cajiib ah kulankii Bayern Munich laakiin waxa ay ku sigteen in ay hadhaan”ayuu Nicholas u sheegay Sky Sport.

“Haa waxa ay heleen natiijo ay u qalmeen laakiin may soo bandhigin qaab ciyaareed fiican”.

“Bayern Munich ayaa ku jirtay qaab ciyaareed xun Sadio Mane ayaana ah xiddig sababta u ah natiijadaas ma ahan Mohamed Salah iyo Roberto Firmino toona”.

“Virgil Van Djik iyo Mane ayaa ah labada xiddig ee sababta u ah natiijada fiican ee kooxda anigu kuma qanacsani khadkooda dhexe”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here