Charlie Nicholas Oo Arsenal U Sheegay In Ay Kooxda Ka Diraan 3 Xiddig, Ozil Ayaa Ka Mid Ah

Halyeeyga kooxda Arsenal ee Charlie Nicholas ayaa kooxdiisa gaar ahaan tababare Unai Emery u sheegay in uu kooxda ka diro 3 xiddig.

Charlie Nicholas ayaa rumaysan in ay Arsenal tahay in ay iska fasaxdo xiddigaha Mesut Ozil, Shokdran Mustafi iyo Laurent Koscielny hadii uu Unai Emery doonayo in uu dib u dhiso kooxda.

Emery ayaa si cajiib ah ku bilowday xirfadiisa Emirates laakiin Natiijooyin xun helay bishii hore xilli United haatan la dhibco tahay Arsenal.

Tababarihii hore ee PSG ayaa doonaya in uu xoojiyo kooxda bishan laakiin waxa uu qirtay in uuna la soo saxiixan karin wax aan ka ahayn xiddigo amaah ah.

Charlie Nicholas ayaan u malaynayn in ay Arsenal ku dhamaysan doonto 4-ta boos ee ugu sareeya xilli ciyaareedkan sabab la xidhiidha diciifnimada daafacooda.

Halyeeyga Arsenal ayaa rumaysan in kooxda laga fasaxo xiddigaha daafaca uga ciyaara ee Mustafi iyo Koscielny iyo kubad sameeyaha Ozil.

“Waxa aan Aqbalay in ayna Arsenal ku soo bixi doonin 4-ta koox ee ugu saraysa sababta oo ah daafacooda ayaa dhibaatysan Shokdran Mustafi waa in la iibiyo, Laurent Koscielny waa in la iska fasaxo”.

“Waxan u malaynayaa sidoo kale in la iska fasaxo Ozil, waxa aan la yaabay dadka hogaaminaya kooxda ee Ozil siiyay mushaharka waalida ah kadib Fasaxay Jack Wilshere iyo Aaron Ramsey”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here