CHAMPIONS!!!: Man City Oo Ku Guulaystay Carabao Cup-ka Kadib Rikoodhayaal Ay Ku Direen Chelsea

Kulan xiiso leh ayaa labada kooxood ee chelsea iyo Man city garoonka Wembley kulan ka tirsanaa finalka Carabao cup-ka.

Labada Kooxood ayaa ku soo galay hubkooda ugu adag iyaga oo aan waxba iskula hadhin ishana ku hayay ku guulaysiga koobkii ugu horeeyay xilli ciyaareedkan.

Kooxda Man City oo qabtay kalsoonidii 6/0 ee laba todobaad ka hor ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo weeraro iyo waliba kubad maamulid ku bilowday ciyaarta.

Dhanka kale kooxda chelsea oo doonaysay in ay saxdo wixii khaldamay kulankaas ayaa si fiican oo daafac ah ku bilaabatay ciyaarta.

Kooxda Chelsea ayaa sidoo kale qaadaysay weeraro rogaal celis ah oo ay ku doonayeen in ay goolal kaga dhaliyaan kooxda Man City.

Dhanka kale Sergio Aguero ayaa gool u dhaliyay kooxdiisa Laakiin goolkaas ayaa la diiday maadama uu Aguero Offside ku jiray.

Chelsea vs Manchester City LIVE – Carabao Cup final score, lineups and updates

Waxa bar-baro goolal la,aan ah ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta iyada oo ay labada kooxoodba ku fashilmeen in ay wax goolal ah kala dhaliyaan.

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayay labada kooxood ku bilowdeen siisku dheeli tiran iyada oo ay koox walba difaacanayso sidoo kale weerar qaadayso.

Labada kooxood ayaa kala dhalin waayay wax goolal ah xitaa 30-kii daqiiqo ee lagu daray ciyaarta kadib markii ay wakhtigii caadiga ah bar-baro ku kala bexeen.

Chelsea: 0, 1, 1, 0, 1,
Man City: 1, 1, 0, 1, 1

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyarta oo ay guushu raacday kooxda Man City oo koobka Carabao cup-ka ku qaaday rikoodhayaal.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here