“Champions League Waa Sababtii Ay Juventus Iila Soo Saxiixatay” Cristiano Ronaldo Oo Amaan Iskula Dul Dhacay

Xiddiga Kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa ka hadlay faraxadiisa ku aadan guushii ay kooxdiisa Juventus ka gaadhay Atletico Madrid lugtii 2-aad ee wareega 16-ka tartanka champions League.

Saddexley uu dhaliyay Cristaino Ronaldo ayaa Juventus ka caawiyay in ay samayso soo laabasho taariikhi ah iyaga oo iska xaadiriyay wareega xiga ee tartanka champions League.

Cristiano Ronaldo oo ciyaarta kadib la hadlaya Wargayska Football Italia ayaa yidhi”Waxa aan sugaynay in aan soo bandhigno habeen khaas ah waanan samaynay”.

“Waxa ay ahayd habeen aan caadi ahayn laakiin anaga ahaan waxa uu ahaa kulan cajiib ah waxa aan u baahnayn caqliyadan oo kale si aan ugu baxno wareega xiga”.

“Tartanka champions League waa sababtii ay Juventus lacagta badan iiga soo bixisay si aan kooxda uga caawiyo habeenada sixirka leh oo kale”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here