CHAMPIONS!! Juventus Oo Ku Guulaystay Koobka Supercoppa Italiana Kadib Guul Ay Ka Gaadhay Ac Milan & Cristiano Ronaldo Oo Juventus Kula Guulaystay Koobkiisii Ugu Horeeyay

0

Kooxda Juventus ayaa ku guulaystay koobka Supercoppa Italiana kana dhacay garoonka King Abdullah Sports City kuna yaala caasimada Jeddah.

Kulanka ayaa ahaa ahaa mid ku bilowday si isku dheeli tiran iyada oo labada kooxood ciyaarayeen baas-baas iyo is ilaalin.

Kadib markii ay ciyaartu wakhti socotay ayay kooxda Juventus la wareegtay dhanka kubad haysashada kubada halka ay Ac Milan qaadaysay weeraro rogaal celis ah.

Juventus lafteeda ayaa samaysay fursado ay goolal ka dhalin kartay laakiin ka faa,iidaysan waayay in ay shabaqa dhex dhigaan.

Waxa bar-baro goolal la,aan ah ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Labada kooxood ku bexeen bar-baro ayna wax gool ah kala dhalin.

Qaybtii dambe ayay Ac Milan ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo Juventus ku qaadayay weeraro rogaal celis ah oo ay ku doonayeen goolal.

Kooxda Ac Milan ayaa fursado cajiib ah heshay xitaa birta sare ku dhuftay kubad xitaa dhaaftay goolhayaha Kooxda Juventus.

Juventus ayaa goolka 1-aad dhalisay daqiiqadii 61-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Cristiano Ronaldo kaas oo Juventus u dhiibay Hogaanka.

Ac Milan ayuu xaalku ku xumaaday kadib markii daqiiqadii 74-aad kaadhka cas looga taagay xiddiga Franck Kessie kaas oo khalad ku galay Emer Can.

Casaanka ayaan wax weyn u dhimin Ac Milan waxana ay cadaadis weyn saartay kooxda Juventus iyaga oo helay fursado cajiib ah oo ay goolka bar-baraha ka dhalin kareen.

Laakiin midaas ayaan u suurtagalin iyada oo kooxda Jevntus si fiican u difaacatay goolkeeda kuna qaadaysay Milan weeraro rogaal celis ah.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Juventus sidaas ku gaadhay guul korna ugu qaaday koobkii 8-aad ee taranka Supercoppa Italiana.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here