Cesc Fabregas Oo Sheegay Halka Xaalad Ee Uu Eden Hazard Ugu Biiri Doono Real Madrid.

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Monaco ee Cesc Fabregas ayaa idaacada Radio Marca Siiyay waraysi uu kaga hadlayay ku biirista xiddigii hore ee ay isku kooxda ahaayeen ee Eden Hazard.

Waxa aan wali istaagin hadal haynta ku biirista Eden Hazard ee kooxda Real Madrid kaas oo si weyn loo filayo in uu ku biiro suuqa xagaaga.

Hazard ayaa dhawr jeer qirtay in uu doonayo in uu ka ciyaaro Santiago Bernabeu isaga oo xitaa diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda chelsea si uu ugu biiro Los Blancos.

Fabregas ayaa la waydiiyay”Miyaad u malaynaysaa in uu Hazard ku biiri doono Real Madrid?. waxana uu ku jawaabay”Ma garanayo aynu eegno, waxa dhaca, waxa wali u hadhay hal sano iyo badh, waxana uu ku faraxsan yahay chelsea laakiin ugu dambayn go,aanka isaga ayaa iska leh”.

“Hazard wuu jecelyahay Real Madrid waxana uu sidaas sheegi jiray marar badan, hadii uuna heshiis cusub u saxiixin chelsea waxa uu ku biiri doonaa Real Madrid”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here