Cesc Fabregas Oo Ogolaaday In Uu Ku Biiro Monaco, Wakhtiga Uu Dhamaystiri Doono Heshiiska & Faah-Faahintiisa Oo La Ogaaday

Kooxda Monaco ayaa lagu soo waramayaa in ay ku guulaystay saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Chelsea ee Cesc Fabregas kadib markii uu heshiis la gaadhay kooxda reer France.

Wargayska L’Equipeayaa sheegaya in uu Fabregas haatanba ogolaaday heshiis 2 sano iyo badh ah oo uu u saxiixi doono kooxda Monaco kaliyana heshiiska ka dhiman tahay wax yar in la dhamaystiro.

Warka ayaa intaas ku daraya in uu Fabregas todobaadka dambe dhamaystiri doono heshiiska uu uga tagayo chelsea uguna biirayo kooxda Monaco.

Kooxda dhibaatoonaysa ee Monaco ayay u badan tahay in ay bixiyaan lacag dhan 10 milyan oo euro inkasta oo uu heshiiska xiddigu dhici doono dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Wargayska Evening Standard ayaa sheegaya in xiriirka fiican ee ka dhexeeya Fabregas iyo tababaraha Monaco ee Thierry Henry uu qayb weyn ka qaatay in uu Fabregas iska diiday Ac Milan.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here