CEEB: Man United Oo Gumaad Kala Kulantay Everton, Xilli Toffees Xaalka Ku Xumaysay Wiilasha Solskjaer

0

Kooxda Man United ayaa gumaad kala kulantay kooxda Everton kulan ka dhacay garoonka Goodison Park kana tirsanaa toodbaadkii 35-aad ee horyaalka premier League.

Man United ayaa kulanka soo gashay iyada oo laga sugayo jawaab deg-deg ah oo ay ka bixiyaan guuldaradii ka soo gaadhay kooxda Barcelona bartamihii todobaadka kulan ka tirsanaa champions League.

Laakiin United ayaa si aad u Liidata ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo garan la,aan meesha ay wax ka si yihiin iyada oo Everton ka qaab ciyaareed fiicnayd kuwaas oo ka dar-dar badnaa dhanka weerarka.

Daqiiqadii 13-aad ayay Everton dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Richarlison Kaas oo gool dhamal ah oo cajiib ah ka dhaliyay kooxda Man United.

Wiilasha Solskjaer oo laga sugayay in ay raadiyaan goolka bar-baraha ayaaba ka naxay goolka laga dhaliyay kana qaaday khal-khal kale iyaga oo garan waayay si ay kubada u gaadhsiiyaan goolka Everton.

Daqiiqadii 28-aad ayay Everton dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu gool gantaal ah ka dhaliyay Gylfi Sigurdsson kaas oo hogaanka u sii dheereeyay kooxda Everton.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay xitaa Man United ku fashilantay in ay kubad ku laagto goolka kooxda Everton iyaga oo kubadaba dhaafin waayay daafaca.

Qaybtii dambe ayay Everton si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo raadinayay in ay ciyaarta dilaan wakhto hore man United-na ka hor istaagaan in ay ciyaarta ku soo laabtaan.

Daqiiqadii 56-aad ayay Everton dhalisay goolka 3-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Lucas Digne kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/0 ay Evertn ku hogaaminayso ciyaarta.

Wixii intaas ka dambeeyay Man United ayaa calanka cad dhiibtay iyaga oo ku fashilmay in ay fal celin sameeyaan kuna tashaday in ay iska ilaaliyaan in goolal kale laga dhaliyo.

Laakiin Everton oo ay ka go,nayd in ay ka faa,iidaystaan xaalka xun ee Man United ayaa daqiiqadii 64-aad dhaliyay goolka 4-aad iyaga oo uu goolka u dhaliyay xiddiga Theo Walcott kaas oo ciyaarta ka dhigay 4/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Man United la kulantay guuldaradii ugu weynayd ee ay kala kulantay Everton taariikhda Premeir League.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here