Cec Fabregas Oo Kashifay Laba Qof Oo Sabab U Ahaa In Uu Isaga Tagao Kooxda Chelsea

Xiddigii hore ee kooxda chelsea ee Cec Fabregas ayaa shaaca ka qaaday laba shaqsi oo ka dambeeyay in uu isaga tago kooxda chelsea intii lagu jiray suuqii January ee bilowgii sanadka 2018.

Xiddiga khadka dhexe ayaa si amaah ah uga tagay kooxda chelsea suuqii January waxana uu ku biiray kooxda Monaco kadib markii uu ku dhibaatooday in uu boos joogto ah ka helo kooxda.

Fabregas ayaa weerar ku qaaday tababaraha kooxda chelsea ee Maurizio Sarri iyo xiddiga khadka dhexe ee Jorginho isaga oo sheegay in ay sabab u yihiin in uu isaga tago chelsea.

“Waxa aan jecelahay in aan qalbiga ku haysto u jeedooyin cusub, waxa muhiim ah in aad mar walba haysato u jeedooyin aad doonayso in aad gaadho”.

“Waxa aan heshiis cusub u saxiixi karay kooxda chelsea laakiin Sarri ayaa kooxda la yimid xiddig wiilkiisa oo kale ah wayna adagtahay in aan kooxda u ciyaaro”.

“Waxa aan jecelahay kubada cagta, waxana aan doonayaa in aan mar walba u ciyaaro kooxdayda, ma doonayo in aan kaliya ku faraxsanaado kaydka way adkayd in aan sii joogo Chelsea”.

Fabregas ayaa 6 kulan oo kaliya u ciyaaray kooxda chelsea horyaalka premier League ka hor intii uuna Amaahda ugu biirin kooxda Monaco waxana uu haatan kooxdiisa cusub u ciyaaray 10 kulan.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here