Cavani, Suarez, Wilson, Fabregas, Godin & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga

0

Waxa si Rasmi ah u furmay suuqa kala iibsiga January kaas oo ay kooxo badan suuqa u gali doonaan sidii ay u xoojinlahaayeenkooxdooda si koobabka ugu tartamaan qaybta dambe ee xilli ciyaareedka

Sidoo kale waxa jiri doona xiddigo si aad ah u doonaya inayisaga tagaan kooxaha ay haatan joogaan sabab la xidhiidha ciyaaris la,aan siayu raadsadaan koox ay si joogto ah ugu ciyaaraan

Hadaba kooxda.com ayaa idiin soo gudbin doonta maalinwalbasubaxnimadawararkii ugu dambeeyay ee ay wargaysyada kubada cagtu kaqoreensuuqa kala iibsiga

Kooxda chelsea ayaa isku diyaarinaysa in ay dalab 50 milyan ah ka gudbiso weeraryahanka kooxda Paris St Germain ee Edison Cavani (Express).

Arsenal ayaa wadahadalo horumar leh kula jirta kooxda Kooxda Barcelona oo ay ka doonayso saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Denis Suarez (Observer).

Bournemouth ayaa diyaar u ah in ay diido dalab kasta oo ay chelsea ka gudbiso weeraryahanka reer England ee Callun Wilson (Mirror).

Tababaraha Atletico Madrid ee Diego Simeone ayaa sheegay in uu ka sahqaynayo sidii uu xiddiga Ku dhaw inter Milan ee Diego Godin ugu sii hayn lahaa kooxda (Express).

Tababarihii hore ee Man United Jose Mourinho ayaa iska diiday dalab uga yimid kooxda Benfica kuwaas oo shaqada ka caydhiyay Rui Vitoria todobaadkan (Record).

Kooxda Inter Milan ayaa wadahadalo la qaadatay kooxda Sampdoria oo ay ka doonayso xiddiga 22 jirka ah ee daafaca ka ciyaara ee Joachim Andersen (Corriere dello Sport).

Kooxda Real Madrid ayaa indha indheeyayaal u dirtay daafaca reer Brazil ee u ciyaara kooxda Porto ee Eder Militao (Marca).

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Chelsea Cesc Fabregas ayaa maanta oo Axad ah u duuli doona France si uu u dhamaystiro Heshiiska uu ugu biirayo kooxda reer France (Sky Sport).

Kooxda Man United ayaa isku diyaarinaysa in ay u dhaqaaqdo xiddigii hore ee kooxda Atletico Madrid ee Yannick Carrasco oo haatan ka ciyaara horyaalka Shiinaha (Sun).

Tababaraha Kooxda Monaco ee Thierry Henry ayaa ku rajo weyn in uu helo saxiixa khabiirka reer Portugal ee Pepe Kadib markii uu ka tagay kooxda Besiktas (Sun).

Kooxda Liverpool ayaa ku dhaw saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Trabzonspor ee Abdulkadir Omur kaas oo ay u arkaan badalka mustaqbalka fog ee Adam Lallana (Mirror).

Chelsea ayaa dalab 45 milyan oo euro ah ka gudbinaysa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Cagliari ee Nicolo Barella kadib si toos ah amaah ugu siin doonta kooxda uu joogo (Star).

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here