Cavani Oo War Cad Ka Yiri Mustaqbalkiisa PSG , Miyuu Baxayaa Mise?

Weeraryahanka PSG ee Cavani ayaa daaqadda ka saaray in uu ku fikirayo in uu mar kale uu dib ugu laabto kooxdiisii hore ee Napoli.

Arintaan ayaa imaaneysa xilli marar badan laacibka lala xariiriyay in uu ka huleelayo kooxda reer France uuna dib ugu laaban doono Napoli .

Cavani ayaa horay Napoli u soo ciyaaray intii u dhaxeysay sanadihi 2010-ka iyo 2013-ka waxaana la xasay in kooxdaas reer Italy aysan ka quusan in mar kale helaan laacibkaas

Bogga Clacio Mercato ayuu Cavani ka yiri ” Napoli ? waxaan haatan diiradda aad u saarayaa kooxda PSG waxaana doonayaa in aan dhameysto hishiiskeyga”.

” Waxaan ku dhawaanayaa da`da 34 sano marka hishiiskeyga PSG uu dhamaanayo , aan aragno in aan waqtigaas ku sii jiri karo garoomada iyo in kale” ayuu sii raaciyay Cavani

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here