Carlo Ancelotti Oo Xaqiijiyay In Uu Kalidou Koulibaly Doonayo In Uu Ku Biiro Man United & In kale

Tababaraha Kooxda Napoli ee Carlo Ancelotti ayaa shaaca ka qaaday go,aanka mustaqbalka xiddiga daafaca uga ciyaara kooxdiisa ee Kalidou Koulibaly.

Carlo Ancelotti Ayaa sheegay in uuna Kalidou Koulibaly ka tagi doonin horyaalka Serie A-da xilli lala xiriirinayo kooxda Man United.

Waxa todobaadkan soo baxay warar sheegaya in uu Kalidou Koulibaly si aad ah u doonayo in uu isaga tago Serie A-da sababo la xiriira dhaleecayn.

Kooxda Man United ayaa loo arkaa kooxda ugu cad-cad in ay 90 milyan oo euro kula soo wareegto daafaca reer Senegal.

Laakiin Ancelotti ayaa hoos u dhigay wararkii ugu dambeeyay isaga oo sheegay in uu Koulibaly ku faraxsan yahay Napoli.

“Wargaysyada Engladn ayaa qoraya in uu Koulibaly doonayo in uu isaga tago Italy sabab la xidhiidha dhaleecaynta laakiin uma malaynayo sidaas”ayuu yidhi.

“Koulibaly waxa uu ku faraxsan yahay Napoli, wuu xanaaqsan yahay sida xiddigaha kale laakiin lama macno ah in uu isaga tagayo”.

“Marna Muu Muujin in uu doonayo in uu boxo, waxa uu doonayaa in uu sii joogo Napoli iyo Itlay wuuna jecel yahay dalkan”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here