Carles Puyol Oo Ka Maadsaday Real Madrid Kadib Markii Ay Ka Hadhay Chamoions League

Halyeeyga Kooxda Barcelona ee Carles Puyol ayaan iska lumin wakhti isaga oo waliba milix mariyay dhaawaca Real Madrid kana maadsaday kadib markii Real Madrid laga reebay champions League.

Kabtankii hore ee Barcelona ayaa Real Madrid kaga maadasaday baraha bulshada kadib markii ay Ajax ka reebtay tartanka champions League.

“Alla Waxan dhacaya waa Maxay”ayuu Puyol soo dhigay bogiisa Twitter-ka ka hor inta uuna sii raacin calaamado muujinaya dabaal deg.

Madrid ayaa ugu cad-cadayd in ay u gudubto wareega 8 dhamaadka marka loo eego in ay guul 2/1 ah soo gaadhay kulankii Lugtii hore.

Si kasta ha ahaatee Ajax ayaa ka yaabsatay Real Madrid iyaga oo ku garaacay 5/3 marka la isku daro goolasha labada lugood ee kulanka.

Puyol ayaa si weyn ula xafiiltama Real Madrid marka loo eego in uu xirfadiisa ciyaareed oo dhan u soo ciyaaray kooxda Barcelona.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here