CAJIIB: Shaxda Kooxda Kubbada Cagta Aduunka Ugu Qiimaha Badan Oo La Soo Saaray, 11 Xidig Oo HAL BILYAN In Ka Badan Ku Qiimaysan-Miyay Messi & Ronaldo Ku Jiraan?

Kadib markii uu soo xidhmay suuqii kala iibsiga ciyaartoyda ee bisha January, shabakada caanka ah ee Transfermarkt oo looga danbeeyo qiimaha suuqa ee ciyaartoyda ayaa soo saartay shaxda kooxda kubbada cagta aduunka ugu qiimaha badan waxaana shaxdan ka soo muuqday 11 xidiga ee ugu qaalisan aduunka qiimo ahaan.

Transfermarkt ayaa ciyaartoy kasta oo kubbada cagta ah siisa qiimo gaar ah oo suuqa kala iibsiga uu ka taagan yahay waxaana qiimahan lagu saleeyaa qodobo aad u badan kuwaas oo saamaynta ugu badan ku leh ciyaartoyda kubbada cagta.

Bandiga ciyaartoyga, heshiiska uu kooxdiisa kula jiro, da’diisa, iyo qodobo sidan oo kale ah ayay Transfermarkt ku saleeyaan marka ay ciyaartoy sheegyaan qiimaha uu suuqa kala iibsiga ka taagan yahay, waxayna marar badan soo saaran qiimo ka duwan kan ay kooxuhu kula wareegaan ciyaartoyda.

Haddaba Transfermarkt waxay ku dhawaaqeen shaxda kooxda aduunka ugu qaalisan ee ku salaysan 11 ka xidig ee kubbada cagta waqti xaadirkan ugu qiimaha badan waxaana shaxdan iska dhex waayay Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo oo waqti dheer ku soo baxayay.

Sababta ugu wayn ee Messi iyo Ronaldo uga baxeen shaxda kooxda kubbada cagta aduunka ugu qaalisan ayaa ah in da’doodu ay waynaatay isla markaana uu qiimihii suuqa ay ka joogeen hoos u dhacay marka la tixgaliyo qodobada aas aasiga ah ee ay Transfermarkt ku qiimeeyaan ciyaartoyda suuqa ugu qiimaha sareeya.

Haddaba ayaa ku soo baxay shaxda kooxda aduunka ugu qiimaha badan ee Transfermarkt?

Goolhayaha kooxda Atletico Madrid ee Jan Oblak ayaa noqday goolhaya ugu qiimaha badan ee shaxda kooxdan ka soo muuqday isaga oo booskan ku garaacay dhamaan goolhayayaasha kale ee kubbada cagta caalamka waxaana qiimaha Oblak lagu xusay 72 milyan yuro.

Shaxda kooxda ugu qiimaha badan kubbada cagta Transfermarkt waxaa difaaca ugu jira saddex ciyaartoy oo Real Madrid ah waxayna kala yihiin Raphael Varane oo ah difaaca waqti xaadirkan aduunka ugu qiimaha badan kaas oo 72 milyan yuro shaxdan kula soo baxay Dani Carvaal iyo Marcelo.

Qalbi difaaca Liverpool ee Virgil Van Dijk oo si rasmi ah wali u ah difaaca suuqa kala iibsiga ugu qaalisan ee ay kooxi la soo saxiixatay ayaa shaxdan ku soo baxay laakiin Transfermarkt ayaa qiimaha Van Dijk ee xogta ay ku qiimeeyaan ku sheegtay 67.5 milyan yuro.

Khadka dhexe ee shaxda kooxda aduunka ugu qiimaha badan waxaa kuwada jira N’Golo Kante oo 90 milyan ah iyo Sual Neguez oo Atletico Madrid ka tirsan kaas oo 81 milyan yuro qiimihiisa lagu sheegay waxaana ka horeeya Kevin De Bruyne oo 135 milyan yuro ku qiimaysan.

Garabka midig ee weerarka shaxda kooxda aduunka ugu qiimaha badan ee Transfermarkt waxaa ku soo baxay da’yarka PSG ee Kylian Mbappe oo loo aqoonsaday ciyaartoyga ugu qiimaha badan kubbada cagta aduunka waxaana qiimihiisa suuqa lagu cadeeyay 180 milyan yuro.

Neymar Jr oo isla kooxda PSG ka tirsan isla markaana ilaa hadda si rasmi ah u haysta rekoodhka xidiga abid ugu qaalisan ee ay kooxi la wareegtay ayaa qiimihiisa suuqa lagu cadeeyay in uu yahay 162 milyan yuro waxaana shaxdan dhamaystiray Harry Kane oo Tottenham ka tirsan kaas oo qiimihiisa suuqa lagu sheegay 135 milyan yuro.

Guud ahaan shaxda kooxda kubbada cagta aduunka ugu qiimaha badan ee Transfermarkt ayaa noqotay koox ku qiimaysan 1.11 bilyan yuro. Marka xaqiiqda laga hadlayo qiimaynta Transfermarkt ayaa ah tan ugu dhaw ee qiimaha suuqa ciyaartoyda tix raac ahaan looga dhigto.

Haddaba halkan kaga bogo Shaxda Kooxda Aduunka Ugu Qaalisan Ee Ay Transfermarkt Soo Saartay:

Xidigo badan oo qiimo sare lagu iibsaday ayaan shaxdan ka soo ag dhawaan iyada oo xogta qiimayntan ee Transfermarkt ay tahay mid aan ku salaysnayn qiimaha ay kooxuhu wax ku iibsadaan balse xog khaas ah oo ciyaartoyda muhiim u ah lagu qiimeeyo.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here