CAJIIB: Sergio Ramos Oo Fariin Qariib Ah U Diray Aktarka Caanka Ah Ee Pablo Schreiber, Arin Lama Filaan Ah Oo Uu Waydiiyay Iyo Jawaabtii Cajiibka Ahayd Ee Uu Helay.

Kabtanka kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa dad badan kaga yaabsaday qaabka uu ula xidhiidhay aktarka caanka ah ee Pablo Schreiber kaas oo uu waydiiyay su’aal isaga lagu wareeriyay. Kabtan Sergio Ramos ayaa barta twitterka fariin u mariyay aktarka Pablo Schreiber wuxuuna waydiiyay haddii ay isku muuqaal eeg yihiin.

Sergio Ramos ayaa marka hore waxa ku bilaabay qoraalkiisa salaan ama xaal waraysi kadib waxa uu isku dayay in uu aktarka Pablo Schreiber isku sheego maadaama oo aanu kala hubin haddii uu kubbada cagta wax ka fahansan yahay iyo haddii kale.

Laakiin kadib waxa uu Sergio Ramos si lama filaan ah u sheegay in uu helay fariimo aad u badan oo lagu waydiinayo haddii ay isku eeg yihiin Pablo Schreiber wuxuuna aktarkan waydiiyay haddii isna uu helay fariimo lagu waydiinayo in ay isku eeg yihiin.

Aktarkan Pablo Schreiber oo 40 sano jir ah isla markaana haysta dhalshada Canadian-America ayaa waxa filimadiisa ka mid ah ‘The Wire’ iyo ‘Orange Is the New Black’.

Sergio Ramos ayaa fariinta uu u diray Pablo Schreiber waxa uu ku bilaabay: “Pablo Schreiber, sideed tahay? anigu waxaan ahay Sergio Ramos, waa xirfadle kubbada cagta ah oo Spanish ah. Anigu ma garanayo haddii aad in badan heshay, laakiin anigu waxaan maalin kastaba helaa fariimo badan oo la iigu sheegayo in midkeenba kan kale uu u eeg yahay”.

Sergio Ramos ayaa qoraalkiisa ku soo gaba gabeeyay su’aal uu waydiiyay Pablo Schreiber wuxuuna yidhi: ” Maxaad u malaynaysaa? Kulan wanaagsan walaal ?”.

Laakiin Aktarka Pablo Schreiber ayaan waqti badan u baahan in uu ka soo jawaabo fariinta Sergio Ramos wuxuuna qoraalkiisa ku bilaabay: “Kulan fiican kabtan. Anigu si sax ah ayaan u garanayaa cida aad tahay. Tan iyo markii aan bilaabaay matalaada, qof kastaaba waxa uu ka fikirayay in aan adiga ahay. Haddii aad waligaa timaado Los Angeles, cabitaanka aniga ayaa qaba. Caafimaad!”.

Haddaba akhriste, labada sawir isku eeg, miyay Sergio Ramos iyo aktarka Pablo Schreiber isku eeg yihiin maadaama oo ay isku waafaqeen in ay si isku mid ah fariimo u heleen?.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here