Cajiib: N’Golo Kanté Oo Qaaday Talaabo Bani-Aadanimo Oo Ku Saabsan Diyaaradii La Waayay Ee Uu Saarnaa Emiliano Sala

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda chelsea ee N’Golo Kanté ayaa mar kale Muujiyay Bani-aadanimadiisa kadib markii uu lacagtiisa gaarka ah ku bixiyay si loo sii wado raadinta loogu jiro xiddiga reer Argentine ee Emiliano Sala kaas oo ay gabi ahaanba is qarisay diyaaridii uu saarnaa.

Emiliano Sala oo 15 milyan ugu soo biiray kooxda Cardiff City sabtidii hore ayaa la laayahay ilaa haatan meel ay martay diyaaradii uu saarnaa.

Booliska Dalka England ayaa muddo 3 maalmood ah waday raadinta diyaarada uu saarnaa Emiliano Sala ee la waayay laakiin joojiyay kadib markii ay waayeen wax raad ah.

Xiddigo badan oo ay ugu horeeyaan xiddigaha Lionel Messi, Sergio Aguero iyo xiddigo kale oo kubada cagta ah ayaa dalbaday in la sii wado raadinta diyaarada Emiliano Sala.

Laakiin wargauska The Sun ayaa sheegaya in uu xiddiga khadka dhexe ee N’Golo Kanté lacagtiisa ku bixiyay si loo bilaabo raadinta diyaarada uu xiddigu saarnaa.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here