Cajiib: Mauro Icardi Oo Calaamada Kabtanimada Inter Milan U Dhiibi Doona Kwadwo Asamoah & Sababta Oo Cajiib Ah

0

Kabtanka Kooxda Inter Milan ee Mauro Icardi ayaa qaadaya talaabo cajiib ah isaga oo calaamada kabtanimada u dhiibi doona xiddiga ay isku kooxda yihiin ee Kwadwo Asamoah kadib hadaladii cunsurinimada ahaa ee ay ku keceen taageerayaasha Inter Milan.

Taageerayaasha Inter Milan ayaa hadalo cunsurinimo ah kula hadlay hadlay daafaca kooxda Napoli ee Kalidou Koulibaly kulankii ay Inter Milan 1/0 uga badisay kooxda Napoli.

Kooxda Inter Milan ayaa dhacdadaas darteed lagu ganaaxay in ay 2 kulan ku ciyaarto taageero la,aan iyada oo sidoo kale laga ganaaxay taageerayaashooda ugu badan hal kulan.

Xaaska ahna wakiilka xiddiga kooxda Inter Milan ee Mauro Icardi ee Wanda Nara ayaa sheegtay in uu Icardi calaamada kabtanimada kooxda u dhiibi doono xiddiga daafaca uga ciyaara Inter Milan ee Asamoah isaga oo ku taageeraya dadak madaw ee cunsurinimada lagula koco.

“Mauro waxa uu ku faraxsan yahay in uu calaamada kabtanimada u dhiibo Asamoah”ayay tidhi xaaska Icardi.

“Waxa aan Tignoolajiyada VAR u isticmaalnaa in ay joojiso muranka, waxa inoo diiday in aan kamerooyin gaar ah u isticmaalno dadka ku kacaya Cunsurinimada”.

Kooxda Inter Milan ayaa maanta la ciyaari doonta kooxda Empoli kulan ka tirsan todobaadkii 19-aad ee horyaalka Serie A-d

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here