CAJIIB: France 3- 1 England-Kooxaha France Oo Ceebtii Dacaayada Horyaalka Beeraleyda Iskaga Reebay Kooxaha Premier league.

0

Xili ciyaareedkan kooxaha horyaalada Premier league iyo Lique ee dalalka England iyo France ayaa lix jeer isku arkay taartanka kooxaha Yurub ee UEFA Champions league, waxaana xogtan ka muuqata in horyaalka France uu xili ciyaareedkan wacdaro cusub la soo baxay isla markaana ay kooxaha reer France meesha ka saareen dacaayadii kubbada cagta aduunka ugu jirtay ee ahayd in uu yahay horyaalka beeraleyda.

Kadib guuldaradii ay PSG soo baday Manchester United waxaa xaqiiq noqotay in xili ciyaareedkan ay kooxaha reer France si buuxda gacanta sare uga soo yeesheen kooxaha Premier league iyada oo Liverpool noqotay kooxda kaliya ee hal guul ka gaadhay koox France ah.

Liverpool iyo PSG ayaa marti iyo minan isku arkay Champions league, waxaa sidoo kale marti iyo minan ku soo wada ciyaaray Manchester City iyo Lyon waxaana hadda kulankii lugta hore ee Champions league wada ciyaaray Man United iyo PSG

Marka laysku celceliyo shanta kulan ee ilaa hadda xili ciyaareedkan dhex maray kooxaha France iyo England, waxaa 3 guulood ku hogaaminaya kooxaha Ligue 1 ee dalka Faransiiska halka kooxaha Premier league ee England ay hal guul oo kaliya soo gaadheen shantii kulan ee ay kooxaha France xili ciyaareedkan ka hor yimaadeen.

Haddii aan xogtan hoos ugu sii degno waxay kulamada Premier League iyo Ligue 1 xili ciyaareedkan ku bilawdeen guushii 3-2 ahayd ee ay Liverpool garoonkeeda Anfield kaga gaadhay PSG ee heerkii groupyada waxaana ku xigay kulankii ay Lyon garoonka Etihad Stadium kaga yaabsatay Man City ee ay 2-1 ka ugaga guulaysatay.

Kadib PSG ayaa Liverpoo kaga aarsatay Paris waxayna soo badeen guuldaro 2-1 ahayd halka Manchester City ay barbaro 2-2 ah la soo gashay kooxdii Etihad Stadium guuldarada ku baday ee Lyon.

Kadib waxaa la soo gaadhay kulankii xalay ee Man United ay soo dhawaysay PSG kaas oo ku dhamaaday 2-0 ay PSG ku adkaatay taas oo ka dhigtay in 3 guulood ay kooxaha reer France ka heleen shan kulan oo ay kooxaha Premier league xili ciyaareedkan ka hor yimaadeen.

Halkan si kooban ugaga bogo Xogta Natiijooyinkii Kulamadii Xili Ciyaareedkan Ee Kooxaha Premier League iyo Ligue 1 ee Champions League:

Liverpool 3-2 PSG
Manchester City 1-2 Lyon
PSG 2-1 Liverpool
Lyon 2-2 Manchester City
Manchester United 0-2 PSG
Go’aanka Natiijada: Ligue1: 3 guulood, Premier League: 1 Guul, Barbaro: 1

Haddaba horyaalkee hadda beeraleyda ah?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here