Cahill, Chilwell, Mane, Mata, Ozil, Rabiot & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Waxa si Rasmi ah u furmay suuqa kala iibsiga January kaas oo ay kooxo badan suuqa u gali doonaan sidii ay u xoojinlahaayeenkooxdooda si koobabka ugu tartamaan qaybta dambe ee xilli ciyaareedka

Sidoo kale waxa jiri doona xiddigo si aad ah u doonaya inayisaga tagaan kooxaha ay haatan joogaan sabab la xidhiidha ciyaaris la,aan siayu raadsadaan koox ay si joogto ah ugu ciyaaraan

Hadaba kooxda.com ayaa idiin soo gudbin doonta maalin walba wararkii ugu dambeeyay ee ay wargaysyada kubada cagtu kaqoreensuuqa kala iibsiga.

Kooxda Arsenal ayaa doonaysa in ay la saxiixato xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Chelsea ee Gary Cahil si uu uga caawiyo xalinta dhibaatada daafaca (Mirror).

Kooxda chelsea ayaa doonaysa in ay la saxiixato xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda chelsea ee Ivan Rakitic si ay badal uga dhigtao Cesc Fabregas (Sport).

Kooxda Man City ayaa xiiso u qabta saxiixa xiddiga daafaca kooxda Leicester City ee Ben Chilwell (ESPN).

Xiddiga garabka weerarka uga ciyaara kooxda Liverpool ee Sadio Mane ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay kooxda Liverpool (World Soccer).

Kooxda Man United ayaa xiiso uq qabtay saxiixa xiddiga Ivan Perisic markii uu joogay Jose Mourinho laakiin waxa ay haatan isaga hadhay xiisihiisa xilli ay Arsenal ku dhawdahay 29 jirkan (Evening Standard).

Man United ayaa hal sano oo heshiis csub ah u soo bandhigtay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Juan Mata si ay uga hor istaagto in uu si xor ah uga tago kooxda (Mirror).

Kooxda Liverpool ayaa beenisay in ay kooxda Trabzonspor kala heshiisay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Abdulkadir Omur (Liverpool Echo).

Kooxda Arsenal ayaa isku diyaarinaysa in ay u dhaqaaqdo saxiixa daafaca midig ee kooxda Napoli ee Kevin Malcuit si ay ugu buuxiso booska Hector Bellerin (Sun).

Kooxda Arsenal ayaa dhanka kale ku rajo weyn in ay hesho saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Barcelona ee Malcom ka hor inta uuna suuqa January xidhmin (Sun).

Xiddiga da,yarka ah ee Callum Hudson-Odoi ayaa ogolaaday in uu inta ka dhiman xilli ciyaareedkan iska sii joogo kooxda kadib markii uu la kulmay maamulka kooxda (Mail).

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda chelsea ee Olivier Giroud ayaa qirtay in laga yaabo in uu France ku laabto bishan (Mail).

Kooxda Arsenal ayaa laga yaabaa in ay Mesut Ozil u dirto kooxda Paris Saint-Germain si ay u hesho saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Adrien Rabiot (Star).

Kooxda Liverpool ayaa wadahadalo la furtay kooxda Brescaia iyagaoo ka doonaya xiddiga khadka dhexe ee Sandro Tonali kaas oo lagu qiimeeyo 30 Milyan (Express).

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here