Brighton Oo Bar-Baro Ku Qabatay Arsenal, 1/1 Ayay Isku Dhaafi waayeen

Kooxda Arsenal ayaa bar-baro kala kulantay kooxda Brighton & Hove Albion kulan ka tirsanaa horyaalka premier league todobaadkiisii 19-aad kulan ka dhacay garoonka American Express Community Stadium.

Arsenal ayaa kulanka si dar-dar leh ku bilaabatay iyaga oo cadaadis xoogan saaray kooxda ay martida u ahaayeen kuna qaadayay weeraro rogaal celis ah oo ay ku doonayeen in ay goolal ku dhaliyaan.

Brighton & Hove Albion ayaa dhankeeda ku jirtay daafac laakiin qaadaysay weeraro rogaal celis ah oo halis galiyay kooxda Arsenal kuna doonayeen in ay kaga dhaliyaan goolal.

Arsenal ayaa daqiiqadii 7-aad hogaanka u qabatay ciyaarta iyaga oo uu goolka u dhaliyay xiddiga Pierre-Emerick Aubameyang kaas oo hogaanka u dhiibay kooxda Arsenal.

Kooxda Martida loo ahaa ayaa qaaday weeraro ay ku doonaysay in ay goolka bar-baraha kaga dhaliso Arsenal halka ay wiilasha Emery sii wadeen weerarkii aan joogsiga lahayn ee ay ku doonayeen goolal kale.

Daqiiqadii 35-aad ayay Brighton dhalisay goolka bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Jurgen Locadia kaas oo ka faa,iidaystay khalad uu sameeyay goolhayaha Arsenal markii uu goolkiisa ka soo baxay isaga oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta qaybteedii hore iyada oo ay labada kooxood ku kala bexeen bar-baro 1/1 ah iyada oo ay labada kooxoodba soo bandhigeen qaab fiican.

Qaybtii dambe ee ciyaarta ayay labada kooxood sameeyeen fursado cajiib ah laakiin midkoodna waxa u suurtagali wayday in ay wax gool ah u badalaan fursadihii ay heleen.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay labada kooxood ee Brighton & Arsenal ku kala bexeen bar-baro 1/1 ah.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here