Ka dib ciyaar dhan waliba cajiib ka aheyd , Brazil  ayaa guul waxa ay ka gaareen Serbia kuwaasi oo dhan waliba ay u ciqaabeen

Nasinada waxaa lagu aaday bar bar dhac bilaa goolal ah , Brazil-nan waxaa ka maqnaa nasiibka .

Serbia kaliya daafac ayay ciyaarayeen iyo rogaal celis aan habeysaneyn

Brazil ka dib kubado birta kaga dhaceysay iyo goolhayaha uu bad baadinayay ugu dambeyn Richarlison ayaa daqiiqadii 62-aad gool cajiib ah dhaliyay halka kan labaad isla Richarlison uu saxiixay daqiiqadii 73-aad

Brazil waxa  ay soo bndhigeen kubad is fahansan iyo weerar aan kala joogsi laheyn , halka bandhigga wacan ee ay muujiyeen xittaa uu ahaa mid keli keli ah .

Serbia bilaa qorshe ayay ahaayeen , ma jirrin is fahan u dhaxeeyay ciyaartooyda waxa ayna u muuqdeen kuwo ku talo galayay bar bar dhac haddii ay dhacdo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here