Bournemouth Oo Ku Tumatay Chelsea , Afar Gool Oo Nadiif Ah Ayay Ku Garaaceen , Tottenham Waxa Ay Ka Badiyeen Watford

Bournemouth iyo Chelsea ayaa nasiinada ku aadya bar bar dhac bilaa goolal ah xilli qeybtaas hore ay soo bandhigeen kubad isu dheeli tiran .

Biloowgii ma jrrin dhinac si gaar ah kubadda u maamulayay balse Chelsea ayaa muuqatay in ay tahay dhanka doonaya in ay natiijada wax ka badalaan balse dhameystirka ayaa maqnaa .

Kooxda martida loo ahaa waxa ay ciyaarayeen kubad kalsooni leh waxa uuna daafacooda ahaa mid wacan oo weerarka Chelsea waa ay ka hor taagayeen xilli Pedro uu waday dhaq dhaqaaq gaar ah .

Qeybhii dambe Chelsea kubad wacan ayay soo bandhigeen waa ayna maamuleen balse kooxda Bournemouth ma yareeysan balse in goosha Chelsea ay gaaraan .

Qeybta labaad , ciyaarta deg deg ayay ku bilaabatay waxa ayna Bournemouth durba heleen gool waxa ayna heleen daqiiqaddii 47-aad waxaana saxiixay Josh King .

Inkastoo Chelsea lagu helay goolkaas , hadana kubad wacan waayay ciyaarayeen waxa ayna baadi goobayeen goolka bar bar dhaca balse kooxda martida loo ahaa waa ay foojignaayeen .

Ka dib dhacdooyinkaas , Chelsea waxa ay ka sheeganeysay in ay qaldaan baasaska waxa ayna taasi keentay in gool labaad lagu helo daqiiqaddii 63-aad waxaana saxiixay David Brooks .

Ka dib goolkaas , kooxda martida loo ahaa cadaadis ayay saareen kooxda Chelsea waxaana laga filan karay gool sedexaad maadaama cadaadis xooggan ay saareen .

Dhamaadkii , Chelsea waa ku adkeyd in ay cagta ku hayaan kubadda waxaana loogu daray goolka 3-aad daqiiqaddii 74-aad waxaana ka dhaliyay Joshua King ,si waliba oo ay ahaato ma jiririn isku dayo ay sameeynayeen Chelsea waxaan loogu daray gool afaraad kaasi oo waqtigii dheeriga waxaana saxiixay Charlie Daniels

Dhanka kale Tottenham ayaa 2/1 ku garaacday kooxda Watford waxaana u dhaliyay Son Heung-min iyo Fernando Llorente waxa ayna haatan ku jiraan booska 3-aad iyaga oo leh 54 dhibic

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here