Borussia Dortmund Oo Man United U Sheegtay Halka Wado Ee Ay Ku Helayso Jadon Sancho & Badalkiisa Oo Ay Ka Heshay Chelsea

Kooxda Borussia Dortmund ayaa dhigeeda Man United u sheegtay halka wado ee ay ku heli karto saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara ee Jadon Sanchez sida ay sheegayaan wararku.

Borussia Dortmund ayaa Man United u sheegtay in ay miiska saaraan lacag dhan 100 milyan oo euro si ay xagaaga u helaan da,yarka Jadon Sanchez iyaga oo badalkiisa isugu diyaarinaya in ay u dhaqaaqaan da,yarka Chelsea ee Callum Hudson-Odoi.

Man United ayaa doonaysa Sanchez waxana ay kooxda reer Germany si cad u sheegtay in ayna si dhib yar ku fasaxi doonin xiddiga da,yarka ah.

Laakiin waxa ay ogolaan doonaan in ay ka iibiyaan hadii ay miiska saarto lacag ay doonayaan iyaga oo kadib u dhaqaaqi doona da,yarka ay isku xulka yihiin ee Hudson-Odoi si ay ugu badalaan.

Sancho oo 18 jir ah ayaa xulka qarankiisa u safan doona kulankii ugu horeeyay ee Rasmi ah marka uu xulka England la ciyaari doono kulanka is reeb-reebka koobka Euro 2020 ee ay la ciyaari doonaan Czech Republic jimcaha.

Da,yarka ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay xilli ciyaareedkan waxana uu soo jiitay tababare Ole Gunnar Solskjaer kaas oo la dhacsan horumarkiisa.

Hudson-Odoi oo dhanka kale 18 jir ah ayaa isaguna lagu daray Liiska xulka qaranka England inkasta oo uuna wali ku bilaaban kulan premier League ah.

18 bilood ayaana uga hadhay heshiiskiisa kooxda Chelsea waxana ay Dortmund u aragtaa badalka dhabta ah ee Sancho hadii uu 100 milyan ugu biro Man United.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here