Boqorka Jacaylka Tababarayaasha Premier league. Sanad Guuraadii 26-Aad Ee Xafladiisa Arooska Iyo Natiijada Guushii 2-6 Oo Turjumaad Cajiib Ah Yeeshay.

0

Tababaraha kooxda Tottenham ee Mauricio Pochettino ayaa si cajiib ah ugu kaftamay saxaafada horteed kadib markii ay kooxdiisu si layaableh 2-6 ugu soo xasuuqday kooxda Everton kulankii ugu danbeeyay todobaadka 18 aad ee Premier league. Waxaa si layaableh isku waafaqay tirada guushii Tottenham iyo maalin Pochettino khaas u ah.

Mauricio Pochettino ayaa daawanayay kooxdiisa Tottenham oo hiilfaha u qaaday Everton isla markaana 2 dhibcood oo kaliya u soo jirtay kooxda kaalinta labaad ku jirta ee Manchester City balse waxaa saxaafada soo jiitay qaabkii uu Mauricio Pochettino ugu kaftay natiijadii Everton iyo sida uu xaaskiisa ugu hibeeyay.

Mauricio Pochettino ayaa sheegay in maalintii shalay oo dhan uu ka fikirayay waxa uu xaaskiisa hadiyad ugaga dhigayo kadib markii ay dhamaysteen sanadkii 26 aad ee ka soo wareegtay waqtigii ay dhigteen xafladii arooskooda,balse waxa uu xaaskiisa u hibeeyay guushii 2-6 ahayd ee ay Everton ka soo gaadheen.

Arinta cajiibka ahi waxay noqotay in Mauricio Pochettino uu xaaskiisa u raadinayay hadiyad uu u siiyo sanad guuradii 26 aad ee ka soo wareegtay xafladii arooskooda laakiin waxa uu guul ku gaadhay 2-6 oo u arkay in ay la mid tahay isla 26ka sanadood marka xariiqda yar ee natiijada u dhexaysa laga saaro!.

Mauricio Pochettino ayaa dhinaca kale hoos u dhigay in wali ay kooxdiisu la tartami karto kooxaha ka horeeya ee Liveprool iyo Manchester City inkasta oo Spurs ay hadda laba dhibcood oo kaliya u jirto Manchester City oo kaalinta labaad ku jirta.

Mauricio Pochettino oo si cajiib ah uga hadlaya xasuuqii ay kooxdiisa Tottenham u soo gaysatay Everton iyo sida uu xaaskiisa ugu hibeeyay ayaa yidhi: “Haa wax layaableh ayay ahayd. Waaan doonayaa in aan jacaylkayga oo dhan u diro xaaskayga isla markaana aan u hambalyeeyo. Maanta waxay ahayd maalin aan la rumaysan karin, maalinta oo dhan waxaan ka fikirayay in aan u baahanahay in aan helo hadiyadii aan xaaskayga siin lahaa”.

Markii uu Mauricio Pochettino sheegay in maalinta oo dhan uu raadinayay wixii uu xaaskiisa hadiyad uga dhigi lahaa ayaa la waydiiyay: Sidaa daradeed, tani waa hadiyadii?” wuxuuna ku jawaabay: ‘Haa hadiyadu waa 2-6! waa wax aan la rumaysan karin. kadib daqiiqadii ugu danbaysay waxaanu Jesus Perez ka wada hadlaynay, sababtoo ah in ay maanta tahay 26 sanadood oo aanu xaas ahayn. Hadda 26 sanadood ka hor ayaan xaflada arooskayga joogay, haa natiijadu waa 2-6, waa wax uu xidhiidh ka dhexeeyo, laakiin mararka qaar in badan isku mar ma dhacaan”.

Wariyaasha ayaa qosol iyo farxad badan la qaybsatay Pochettino kadib markii ay arkeen sida cajiibka ah ee uu iskugu beegay natiijadii kulankii Everton ee ay kooxdiisa Tottenham 2-6 ku soo guulaysatay iyo sanad guuraadii 26 aad ee ka soo wareegtay xafladii arooskiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here