Boqorada Spain: Real Madrid Oo Rikoodh Taariikhi Ah Ka Dhigtay Horyaalka La Liga

0

Kooxda Real Madrid ayaa dhigtay rikoodh kale oo taariikhi ah oo horyaalka La Liga ah kadib guushii weynayd ee ay ka gaadheen kooxda Espanyol Axadii.

Los Blancos aya 4/2 uga badisay kooxda Espanyol kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga waxana ay noqotay kooxdii ugu qoraysay ee gaadha 4500 oo dhibcood horyaalka Waana rikoodh ay dhigi wayday koox kale.

Real Madrid ayaa 4500 ee dhibcood ka heshay 2821 kulan oo ay ciyaareen horyaalka iyaga oo badiyay 1681 kulan halka ay bar-baro galeen 565 kulan oo kale.

Kooxda Real Madrid ayaa ka horaysa kooxda ay sida weyn u xafiiltamaan ee Barcelona oo ku jirta kaalinta 2-aad iyaga oo helay 4404 dhibcood ilaa haatan.

Waxa intaas sii dheer in ay Real Madrid hogaaminayso kooxaha goolasha ugu badan ka dhaliyay La Liga iyaga oo ka dhaliyay 6075 gool halka laga dhaliyay 3210 gool.

Los Blancos ayaa xilli ciyaareedkan ku jirta kaalinat 3-aad ee kala saraynta horyaalka iyada oo 10 dhibcood ka dambaysa kooxda Barcelona.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here