BOQORADA ENGLAND: Man United Oo Qabatay Shaqo Ay Ku Fashilmeen Kooxaha Liverpool & Man City Kadib Guushii Leicester City, Maxay Qabatay?

Kooxda Man United ayaa guul ka gaadhay kooxda Leicester City kulan ka tirsanaa horyaalka premier League todobaadkiisii 25-aad.

Gool uu dhaliyay Marcus Rashford ayaa ka caawiyay kooxda Man United in ay gaadho guul qaali ah kuna soo laabtaan wadada guulaha.

Kadib guushaas Man United ayaa qabatay shaqo ay ku fashilmeen hogaamiyayaasha Horyaalka ee Liverpool iyo kooxda difaacanaysa horyaalka ee Man City.

Shaqadaas ayaa ah in ay kooxda Man United garaacday kooxda Leicester City oo qabatay kooxda Liverpool iyada oo waliba joogta garoonkeeda Anfield halka ay sidoo kale Kooxda dacawooyinku garaaceen kooxda Man City ugana badiyeen 2/1.

Waxa intaas sii dheer in ay Man United Markii ugu horaysay gaadhay guusheedii 5-aad oo xiriir ah tartamada oo dhan kulamada ay ku ciyaarto meel ka baxsan garoonkeeda tan ilaa October 2012 markaas oo uu kooxda hogaaminayay tababare Sir Alex Ferguson.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here