BOQOR: Lionel Messi Oo Kaligiis Ka Badan Real Madrid Oo Dhan Laadka Xorta Ah, Imisa Ayuu Dhaliyay?

0

Xiddiga Kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa mar kale soo bandhigay habeen taariikhi ah kadib saddexleydii uu ka dhaliyay kooxda Real Betis.

Lionel Messi ayaa Barcelona ku hogaamiyay guul 4/1 ah oo ay ka gaadhay Real Bestis kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga todobaadkiisii 28-aad.

Messi ayaa gool dhalinta kulankaas ku furay laad xor ah oo cajiib ah isaga oo dhaliyay goolkii 1-aad ee kooxdiisa ee kulankaas.

Kadib goolkaas laadka xorta ah Leo Messi ayaa dhaliyay laadkii xorta ahaa ee 25-aad 8-dii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay horyaalka La Liga.

Taas ayaa la macno ah in uu Messi kaligiis ka laad xor badan yahay horyaalka La Liga kooxda Rela Madrid oo dhamaan la isku daray.

Real Madrid ayaa 8-dii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay horyaalka La Liga dhalisay 24 laad oo xor ah iyaga oo ka yar Lionel Messi.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here