BOQOR: Cristiano Ronaldo Oo Dhigay Rikoodh Aan Horyaalka Serie A-da Looga Dhawaan 26 Sano, Muxuu Yahay?

0

Xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa kooxdiisa Juventus ku hogaamiyay guul ay ka gaadhay kooxda Sassuolo kulan ka tirsanaa horyaalka Serie A-da.

Cristiano Ronaldo ayaa kooxdiisa Juventus goolka 2-aad u dhaliyay daqiiqadii 69-aad isaga oo hogaanka kulanka u dheereeryay kooxdiisa.

Kadib Goolkaas Cristiano Ronaldo ayaa dhigay rikoodh aan horyaalka Serie A-da laga dhigin wakhti aad u dheer oo dhamaan xiddigihii soo maray horyaalku ku fashilmeen.

Cristiano Ronaldo ayaa dhaliyay gool kulankii 9-aad oo xiriir ah oo uu ku ciyaarayay meel ka baxsan garoonka kooxdiisa Juventus.

Rikoodhkaas ayaanu xiddig kale dhigin tan ilaa intii u dhexaysay bishii May 1992 ilaa February 1993 markaas oo uu rikoodhkaas dhigay Giuseppe Signori.

Dhanka kale CR7 ayaa sii dheeraystay hogaanka gool dhalinta horyaalka Serie A-da kadib goolkii uu ka dhalyay kooxda Sassoulo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here