Bernardo Silva Oo Sameeyay Qirasho Daacad Ah Kadib Markii Ay Liverpool Kla Wareegeen Hogaanka Horyaalka Premier League.

Xiddiga Kooxda Man City ee Bernardo Silva ayaa sameeyay qirasho daacad ah kadib markii ay Man City hogaanka horyaalka kala wareegtay Liverpool.

Bernardo Silva ayaa sheegay in ay Man City u qaadatay in ay dhamaaday tartanka horyaalka premier League kadib markii ay guuldaro kala kulantay Newcastle.

Liverpool ayaa haystay fursad ay 7 dhibcood ku qabto hoganka horyaalka premier League kadib markii ay Man City guuldaro lama filaan ah kala kulantay Newcastle laakiin Reds ayaa bar-baro la gashay labadii kulan ee ugu dambeeyay.

City ayaa kala wareegtay hogaanka horyaalka kadib markii ay guul ka gaadheen kooxda Everton Arbacadii iyaga oo haatan goolal kaga haya hogaanka horyaalka.

Liverpool ayaa ku soo laaban kart hogaanka marka ay Sabtida la ciyaarayso kooxda Bournemouth laakiin Silva ayaa sheegay in ay xiddigaha Man City ka quusteen tartanka horyaalka kadib guuldaradii Newcastle.

“Maalmo yar ka hor, waxa aan u malaynay in aan waynay horyaalka premier League”Silva ayaa sharaxay.

“Haatan waxa aan ku jirnaa kaalinta 1-aad ee horyaalka inkasta oo aan hal kulan oo dheeraad ah ciyaarnay”.

“Wa wax fiican in aan ku soo laabano tartanka horyaalka waxana aan qaban doonaa wax walba sidii aan u badin lahyn kulamda noo hadhay oo dhan, waana arinta ugu muhiimsan haatan”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here