Bayern Munich Oo Ku Dhaw In Ay Tababare Ka Dhigato Antonio Conte

0

Kooxo Badan oo reer yurub ah ayaa doonaya saxiixa tababarihii hore ee kooxda chelsea ee Antonio Conte sababo la xiriira in aanay gaadhin wixii ay doonayeen xilli ciyaareedkan hadii ay noqoto koobab iyo u jeedooyin kale.

Kooxaha Inter Milan, Ac Milan iyo Bayern Munich ayaa ka mid ah kooxaha doonaya adeega tababaraha Reer Italy kaas oo bilaa shaqo ah tan ilaa dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore.

Wargayska Corriere dello Sport ayaa sheegaya in kooxda Bayern Munich isku diyaarinayso in ay dalab ka gudbiso tababaraha reer Italy si ay kooxdu ugu tartanto champions League xilli ciyaareedka dambe.

Wargayska ayaa intaas sii raacinaya in uuna tababare Conte wali wax go,aan ah ka qaadan kooxda uu doonayo in uu tababare u noqdo isaga oo sii qiimayn doona qorshihiisa ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Ilo wareedyo kale oo ku dhaw tababaraha ayaa sheegaya in uu Conte ku dhaw yahay kooxda Bayern Munich marka loo eego kooxda Inter Milan maadama uu doonayo in uu hogaamiyo koox kale oo aan Italy ahayn.

Conte ayaa horay uga soo shaqeeyay horyaalka Italy isaga oo tababare u soo noqday kooxda Juventus halkaas oo uu koobab badan kula guulaystay ka hor inta uuna xulka qaranka Italy ugaga biirin.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here