Bayern Munich Oo Ka Jawaabtay Xiisaha Arsenal Ee James Rodriguez

Kooxda Bayern Munich ayaa ka hadashay wararka sheegaya xiisaha ay kooxda Arsenal u qabto saxiixa xiddiga khadka dhexe ee James Rodriguez.

Agaasimaha kooxda Bayern Munich ee Hasan Salihamidzic ayaa hoos u dhigay wararka sheegaya in uu James Rodriguez ka tagi doono kooxda suuqa January kadib markii lala xiriiriyay kooxda Arsenal.

Xiddiga reer Colombia ayaa ku jira bilihii ugu dambeeyay ee heshiiska amaahda ah ee uu kula joogo Bayern Munich kagana soo biiray kooxda Real Madrid laakiin xiddiga ayaan si joogto ah ugu ciyaarin kooxda.

Waxa soo baxay warar sheegaya in ay Bayern Munich wakhti hore iska fasixi doonto xiddiga taas oo ay Arsenal doonayso in ay ka faa,iidaysato 3 milyan oo amaah ahana ugu dhaqaaqdo.

Si kasta ha ahaatee Salihamidzic ayaan filayn in uu Rodriquez ka tagayo kooxda inta lagu jiro suuqa January iyada oo ay waliba kooxdu doonayso in ay si tood ah ula wareegto xiddiga.

Markii wax laga waydiiyay in ay Bayern munich bixin dooto lacag 37 milyan ee sida tooska ah loogula wareegi karo ayuu yidhi” Waan eegi doonaa qaybta dambe ee xilli ciyaareedka waxa aan gaadhi doonaa go,aanka saxda ah”.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here