Bayern Munich Oo Dagsatay Qorshe Ay Kooxda Chelsea Uga Afduubanayso Xiddig Aad Loo Qiimeeyo, Arjen Robben Ayaa Ka Caawinaya

0

Kooxda Bayern Munich ayaa dagsatay qorshe chelsea uga afduubanayso xiddiga garabka uga ciyaara ee Callum Hudson-Odoi inta lagu jiro suuqa January.

Bayern Munich ayaa No.10 ku soo jiidanaysa xiddiga kooxda chelsea ee Callum Hudson-Odoi iyada oo doonaysa in ay lambaarka siiso hadii uu ku biiro suuqa January.

Chelsea ayaa diiday laba dalab oo ay Bayern Munich ku ku doonaysay da,yarka Callum Hudson-Odoi laakiin kooxda reer Germnay ayaa doonaysa xiddiga suuqa Bishan.

Callum Hudson-Odoi ayaa ku bilowday kulankii FA Cup-ka ee ay chelsea 2/0 uga badisay kooxda Nottingham Forest isaga oo muujiyay sababta ay Bayern u raadinaysa kadib markii uu 2 gool caawiye ka noqday.

Wargayska Scottish Sun ayaa sheegaya in ay Bayern Munich haatanba u diyaarisay 29 jirka lambarka No.10 ee uu haatan xidho Arjen Robben.

Robben ayaa ka tagi doona kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan waxana ay doonayaan in ay lambarkiisa ku soo jiitaan xiddiga Callum Hudson-Odoi.

Callum Hudson-Odoi ayaa diyaar u ah in uu ku biiro kooxda Bayern Munich isaga oo diiday heshiis cusub oo ay chelsea u soo bandhigtay.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here