Bayern Munich Mise Liverpool? Pep Guardiola Oo Sheegay Kooxda Uu Doonayo In Ay Wareega Xiga U Gudubto

0

Tababaraha Kooxda Man City ee Pep Guardiola ayaa shaaca ka qaaday kooxda uu doonayo in ay wareega xiga u gudubto kooxaha Bayern Munich iyo Liverpool.

Pep Guardiola ayaa qirtay in uu rajaynayo in ay Bayern Munich tartanka champions League ka reebto kooxda Liverpool kulanka caawa.

Labada kooxood ayaa kulanka soo galaya iyaga oo u siman u soo bixista wareega 8 dhamaadka kadib markii ay bar-baro gool la,aan ah ku kala bexeen.

Tababare Pep Guardiola oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waxa aan wakhti fiican ku soo qaatay kooxda Bayern Munich waanan jecelahay magaalada, waxa aan sidoo kale ku leeyahay saaxiibo badan”.

“Waxa aan aad u rajaynayaa in ay Bayern Munich kooxda Liverpool ka reebto champions League sababta oo ah waa kooxdaydii hore waxana aan jecelahay in ay guul gaadho”.

Kooxda Man City ayaa dhankooda u soo baxay wareega 8 dhamaadka kadib markii 7/0 ku garaaceen kooxda reer Germany ee Schalke.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here