Bayern Munich Mise Liverpool? Da,yarka Chelsea Ee Callum Hudson-Odoi Oo Doortay Kooxda Uu Ku Biiri Doono & Wakhtiga Uu Ku Biiri Doono

0

Da,yarka Baxsadka ka ah kooxda Chelsea ee Callum Hudson-Odoi ayaa kala doortay kooxda uu ku biirayo xilli uu xiiso ka wada helayo kooxaha Liverpool iyo Bayern Munich.

Callum Hudson-Odoi Ayaa doortay in uu ku biiro kooxda Bayern Munich inkasta oo ay kooxda Liverpool xiiso wakhti dambe ah u muujisay da,yarka chelsea.

Hudson-Odoi ayaa ugu dambayn go,aansaday in uu isaga tago kooxda Chelsea kuna biiro kooxda ku ciyaarta Allianz Arena iyada oo laga yaabo in heshiiskiisa la dhamaystiro 24 saac ee soo socoya.

Gonzalo Higuain ayaa si Rasmi ah ugu soo biiray kooxda chelsea waxana uu Maurizio Sarri diyaar u yahay in uu xiddigu kooxda isaga tago bilowga todbaadka dambe sida laga soo xigtay The Sun.

Wararka ayaa sheegaya in ay kooxda Liverpool la kulantay wakiilka xiddiga oo ah walaalka la dhashay todobaadkii hore iyaga oo u muujiyay xiisaha ay u qabaan da,yarka.

Laakiin xiddiga ayaa doonaya in uu ku biiro Bayern Munich oo xiiso wakhti dheer ah u qabtay saxiixa xiddiga reer England.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here