Xiddiga diirada u saaran Kooxda Man United ee Jadon Sancho ayaa u dabala degay goolkii guusha ee uu xiddiga Marcus Rashford ka dhaliyay kooxda PSG kulankii ay guusha ka gaadhay PSG Arbacadii xalay.
Jadon Sancho Ayaa bogiisa Instagram ku muujiyay faraxadiisa kadib goolkii guusha ee uu Rashford wakhtigii ugu dambeeyay u dhaliyay Man United.
Xiddiga Borussia Dortmund oo lala xiriirinayo Man United marka la gaadho suuqa xagaaga ayaa soo qoray”Rashhyyyy”.
Wargayska Mirror ayaa sheegaya in ay Man United suuqa xagaaga baanka u jabin doonto saxiixa da,yarka si ay ugu xoojiyaan weerarka.
Sancho ayaa lagu qiimeeyaa lacag dhan 100 milyan oo euro taas oo ka dhigaysa xiddiga ugu qaalisan ee Abid England ah.
Laakiin Man United ayaa tartan kala kulmaysa kooxda PSG kuwaas oo doonaya adeega xiddigii hore ee kooxda Man City.