Barcelona Vs Kooxaha Premier Legaue: Maxay Barcelona Qabatay Kulamada Ay Champions League Ka Hor Tagtay Kooxaha Premier League?

Waxa jira is bar-bar dhig mar walba la is bar-bar dhigo xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi iyo xiddiga kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo kadib markii uu Ronaldo guulo ka soo gaadhay horyaalada Premier League iyo La Liga.

Laakiin Lionel Messi ayaa guulo aan la soo koobi karin la gaadhay Barcelona laakiin aan u ciyaarin koox kale ama aan ka ciyaarin horyaal kale taas oo keentay in su,aal la iska waydiiyo awooda Messi ee hadii uu guulo ka gaadhi lahaa Premier League.

Lionel Messi Vs Kooxaha Premier League:

Laakiin Rikoodhada Lionel Messi ayaa muujinaysa in uu qaab fiican ku soo bandhigi lahaa premier League, rikoodhkiisa kooxaha premier League ayaa muujinaysa hadalka aan leeyahay inkasta oo ay kala duwan tahay la ciyaarista kooxah England ee champions Leageu ama la ciyaarista horyaalka laftiisa.

Rikoodhka Lionel Messi ee kooxaha premier League ayaa u dhigan sida tan hoos ku xusan:

10 kulan oo uu la ciyaaray Chelsea: 2 guulood, 6 bar-baro iyo 2 guuldaro, waxana uu ka dhaliyay 3 gool halka uu sidoo kale caawiye ka noqday 3 kale.

6 Kulan oo uu la Ciyaaray Arsenal: 4 guulood, Hal bar-baro, Hal guuldaro, waxa uu ka dhaliyay 6 gool halka uu caawiye ka noqday 2 kale.

6 Kulan oo uu la ciyaaray City: 5 guulood, Hal guuldaro, waxa uu ka dhaliyay 6 gool halka uu sidoo kale caawiye ka noqday 3 kale.

4 kulan oo uu la ciyaaray United: 2 guulood, hal bar-baro iyo hal guuldaro waxa uu ka dhaliyay 2 gool

2 kulan oo uu la ciyaaray Liverpool: Hal kulan wuu badiyay Hal kulan waa laga badiyay.

2 kulan oo uu la ciyaaray Tottenham: Hal kulan wuu badiyay, hal kale bar-baro ayuu galay.

Sidaas darteed Messi ayaa 30 kulan ka hor tagay kooxaha Premier League isaga oo ka gaadhay 15 guuloo 9 bar-baro iyo 6 guuldaro waxana uu ka dhaliyay 22 gool halka uu caawiye ka noqday 8 gool oo kale.

Barcelona Vs Kooxaha Premier Legaue:

Kooxda Barcelona ayaa 72 kulan ka hor tagtay kooxaha Premier League waxana ay guul gaadheen 33 kulan halka ay bar-baro galeen 21 kulan ugu dambayna guuldaro la kulmay 18 kulan, Barcelona ayaa dhalisay 125 gool halka iyaga laga dhaliyay 84 gool.

Xogtan ayaa muujinaysa in ay Barcelona si weyn uga gacan sarayso kooxaha premier League halka ay sidoo kale ku guulaysteen koobka Finaladii ay kaga hor yimaadeen tartamada yurub.

Finaladii ugu dambeeyay ee ay Barcelona garaacday koox Premier League ah ayaa ahaa 2011 iyo 2009 markaas oo ay labadaba ka qaaday kooxda Man United halka ay sidoo kale sanadkii 2006 garaacday Arsenal.

Laakiin Finalkii ay Barcelona u khasaartay koox Premier League ah ayaa 1991/1992 markaas oo ay tartanka UEFA Cup Winners’ Cup markaas oo ay Man United ka qaaday koobka.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here