Barcelona Vs Celta Vigo: Shaxda Laga Yaabo In Ay Barcelona Ku Soo Gasho Kulanka Celta Vigo

Kooxda Barcelona ayaa garoonkeeda Camp Nou ku marti galin doonta kooxda Celta Vigo kulan ka tirsan horyaalka La Liga todobaadkiisii 17-aad iyaa oo isha ku haysa in ay sii haysato hogaanka horyaalka.

Kooxda Ernesto Valverde oo ah hogaamiyayaasha horyaalka ayaa 3 dhibcoood oo cadaank ah ku haya hogaanka horyalka waxana ay doonayaan in ay sii xejistaan hogaanka.

Tababare Valverde ayaa soo xushay Liis ay ku jiraan xiddigaha ugu muhiimsan kooxdiisa oo uu ka soo xulan doono shaxda uu caawa kaga hor tagi doono kooxda Celta Vigo.

Kulanka ayaa soo gali doona 8:30 Fiidnimo ee caawa gaar ahaan wakhtiga geeska Africa iyada oo ay Barcelona u soo gali doonto sidii ay guul u gaadhi lahayd.

Hadaba wargayska Express ayaa shaaciyay shaxda laga yaabo in uu Ernesto Valverde ku soo galo kulanka caawa isaga oo ku bilaabay xiddigaha Messi,Dembele iyo Suarez oo weerarka hogaaminaya.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here