Barcelona Oo Xasuuqday Lyon Si Xarago Leh-na Isaga Xaadirisay 8 Dhamaadka Champions League

0

Kooxda Barcelona ayaa si xarago leh u garaacday kooxda Lyon kulan ka dhacay Camp Nou kana tirsanaa wareega 16-ka tartanka champions League.

Barcelona ayaa ciyaarta ku bilaabatay si dar-dar leh oo uu taxadar weyn ku jiro iyaga oo iska ilaalinayay wax lama filaano ah.

Daqiiqadii 18-aad ayay Barcelona dhalisay goolk 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddigooda Ugu muhiimsan kooxda ee Lionel Messi kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Kooxda Lyon ayaa dhankeeda qaadaysay weeraro rogaal celis ah kuwaas oo ay doonayeen in ay Barcelona kaga dhaliyaan goolal.

Daqiiqadii 31-aad ayay Barcelona sii dheeraystay hogaanka ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay markan xiddiga Philippe Coutinho Kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay Qaybtii hore ee ciyaarta oo Barcelona ku hogaaminayso 2/0 waliba soo bandhigtay qaab ciyaareed cajiib ah.

Qaybtii dambe ayay Kooxda Lyon ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo doonayay in ay dhaliyaan goolal ay ku soo laabtaan ciyaarta.

Daqiiqadii 58-aad ayay Lyon dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Luca Tousart kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.

Kooxda Barcelona ayaa dib u bilowday dadaalkii ay ku doonaysay goolal kale iyaga oo ka cabsi qabay in ay Lyon dhaliso gool kale.

Daqiiqadii 78-aad ayay Barcelona dhalisay goolka 3-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay kabtankooxda Leo Messi kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/1.

Barcelona ayaan halkaas ku joogsan waxana ay daqiiqadii 81-aad dhaliyeen goolka 4-aad iyaga oo uu u dhaliyay daafaca Gerard Pique kaas oo ciyarta ka dhigay 4/1.

Ousmane Dembele ayaa daqiiqadii 86-aad dhaliyay goolka 5-aad ee kooxda Barcelona isaga oo ciyaarta dhigay 5/1 ay Barcelona hogaanka kulanka ku hayso.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Barcelona kulanka ku hogaaminayso 5/1 si xarago lehna isaga xaadirisay wareega 8 dhamaadka champions League.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here