Barcelona Oo Weeraryahan Ka Dhex Ishaaratay Gudaha La Ligaha

0

Ilo wareedyo ay qorayaan saxaafadda Spain ayaa sheegaya in kooxda Barcelona ay aad u haminayaan in kala wareeggaan ay helaan weeraryahan cusub oo ay kooxda ku xoojiyaan .

Kooxda haysata La Ligaha ayaa u baahan weerar yahan cusub kaasi oo caawiye u noqonaya Suarez gaar ahaan ka dib marka uu baxay Munir El Haddadi kaasi oo todobaadkii hore u wareegay kooxda Sevilla

Wargeyska Marca ayaa sheegayaa in kooxda Barca ay muujiyeen rabitaankooda ku aadan saxiixa weeraryahanka Girona ee Cristhian Stuani

Laacibkaas reer Uruguay ee 32 sano jirka ah ayaa soo bandhigaya heer ciyaareed wacan xilli ciyaareedkaan waxa uuna dhaliyay illaa haataan 12 gool oo La Ligaha ah

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here