Barcelona Oo Ugu Dambayn Sheegtay Halka Wado Ee Ay Ku iibinayso Philippe Coutinho.

Kooxda Barcelona ayaa magacawday qiimaha ay ku fasaxayso ama ku iibinayso xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxdeeda ee Philippe Coutinho.

Xiddiga reer Brazil ayaa lala xiriirinayaa in uu isaga tagayo kooxda Barcelona kadib markii uu ku dhibaatooday in uu boos joogto ah ka helo kooxda xilli ciyaareedkan.

Philippe Coutinho ayaa lala xiriirinayaa kooxo badan oo ay ugu horeeyaan kooxaha Man United iyo PSG kuwaas oo doonaya adeegiisa.

Sida laga soo xigtay wargayska Liverpool Echo, Kooxda Barcelona ayaa dul saartay madaxa Coutinho lacag dhan 100 milyan oo euro.

Coutinho ayaa ka hadlay mustaqbalkiisa isaga oo sheegay in uu isaga tagi doono kooxda Barcelona xagaaga hadii uuna xaalkiisu is badalin wakhtiga soo socda.

Waxa xusid mudan in ay Barcelona ka soo bixisay lacag dhan 142 milyan oo euro taas oo ku kacaysa 160 Milyan markii ay kala soo wareegayeen kooxda Liverpool.

Coutinho ayaa qaab fiican ku bilowday xirfadiisa qaybtii dambe ee xilli ciyaareed hore markii uu ku soo biiray kooxda Laakiin waxa uu ku dhibaatooday xilli ciyaareedkan.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here