Barcelona Oo Ugu Dambayn Meel Saartay Mustaqbalka Jordi Alba, Faah-Faahinta Heshiiskiisa Cusub & Wakhtiga Lagu Dhawaaqi Doono.

Kooxda Barcelona ayaa bilihii ugu dambeeyay waday olole ay heshiisyo cusub ugu abaalmarinayso xiddigaha laf dhabarta u ah kooxda waliba ugu kordhinayso mushaharka ay qaataan sabab la xidhiidha qaab ciyaareedkooda cajiibka ah.

Idaacada Cadena SER ayaa haatan sheegaysa in ay Barcelona soo xidhay mid ka mid ah wadahadladii ay kula jirtay xiddigaha kooxda iyada oo heshiis kama dambays ah la gaadhay xiddiga daafaca uga ciyaara ee Jordi Alba.

Idaacada ayaa sheegaysa in uu Jordi Alba qalinka ku duugi doono heshiis 4 sano ah iyo hal sano oo heshiiskiisa haatan ka dhiman taas oo la macno ah in uu xiddig Barcelona ah sii ahaan doono ilaa xagaaga 2024.

Isla idaacada ayaa sheegaysa in ay Barcelona iyo wakiilka Alba dhamaystireen talaabooyinkii ugu dambeeyay heshiiskana lagu dhawaaqi doono inta aanu xidhmin suuqa January ee bishan.

Jordi Alba ayaa dhawr jeer sheegay in uu doonayo in uu si joogo kooxda Barcelona inta ka dhamin xirfadiisa ciyaareed waliba diyaar u yahay in uu qalinka ugu duugo heshiis cusub.

Waxa xusid mudan in heshiiska Jordi Alba ee haatan uu dhici doono xagaaga 2020 kaas oo ay uga hadhay muddo hal sabo ah.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here