Barcelona Oo Taariikh Ka Dhigtay Champions League Kadib Guushii Lyon

0

Kooxda Barcelona ayaa iska xaadirisay wareega 8 dhamaadka tartanka champions League kadib guushii ay ka gaadhay kooxda Lyon kulan ka tirsanaa lugta 2-aad ee wareega 16-ka champions League.

Barcelona ayaa ku badisay 5/1 kulan ka dhacay garoonka Camp Nou iyaga oo si raaxo leh isaga xaadiriyay wareega 8 dhamaadka champions League.

Xiddigaha Messi (2), Dembele iyo Pique ayaa Barcelona u dhaliyay goolasha ay ugu awood sheegteen kooxda reer France ee Lyon.

Kadib guushaas kooxda Barcelona ayaa dhigtay rikoodh taariikhi ah iyaga oo haysta rikoodhka guuldarro la,aanta ugu dheer ee garoonkeeda tartanka champions league.

Kooxda Barcelona ayaan wax guuldaro ah kala kulmin garoonkeeda champions League 30 kulan oo ay ku ciyaartay garoonka Camp Nou.

Barcelona ayaa gaadhay 27 gull iyo 3 bar-baro 30-kii kulan ee ay champions League ku ciyaartay garoonkeeda.

Kooxda.com ayaa xusaysa in ay kooxda Barcelona tahay kooxda kaliya ee Spain ka matalaysa tartanka champions league xilli ciyaareedkan.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here