Barcelona Oo Suuqa Ka Furtay Kooxda Valencia 10-kii Sano Ee Ugu Dambeeyay, Imisa Xiddig Ayay Kala Wareegtay

Ku biirista daafaca Jeison Murillo ee kooxda Barcelona ayaa sii wada xiriirka fiican ee kala dhexeeya kooxaha Barcelona iyo Valencia ee dhanka suuqa kala iibsiga.

Daafaca dhexe ayaa heshiis amaah ah ugu biiray kooxda Barcelona isaga oo noqday xiddigii 8-aad ee u kala wareega labada kooxood 10-kii sano ee la soo dhaafhay.

Barcelona aya 6 xiddig kala soo wareegtay kooxda Valencia iyada oo jeebka ugu shubtay lacag dhan 144 milyan oo euro halka ay Valencia 2 xiddig si xor ah uga heshay Barcelona kuwaas oo kala ah Martin Montoya Iyo Munir

Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo Liiska xiddigaha u kala wareegay labada kooxood 10-kii sano ee la soo dhaafay.

David Villa – 40m euros (2010)

Jordi Alba – 14m euros (2012)

Jeremy Mathieu – 20m euros (2014)

Andre Gomes – 35m euros + 20m euros (2016)

Paco Alcacer – 32m euros (2016)

Jeison Murillo – 2m euros Amaah (January 2019)

Martin Montoya – Xor (2016)

Munir – amaah (2016)

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here