Barcelona Oo Soo Dubatay Real Betis , Habeenkii Messi Ayay Aheyd Xilli Kaligiis Uu Dhaliyay Sedexleey

Barcelona ayaa nasiinada ugu dirtay kooxda Real Betis oo ay marti u ahaayeen laba gool oo nadiif ah xilli qeybtaas hore ay cadaadis badneyd kooxda Barca

Real Betis ayaa ciyaarta ku biloowday qaab wacan waliba abuureysay fursado balse waxaa ka maqnaa dhameystirka xilli Barcelona ay ciyaarayeen kubad deg degsiimo leh .

Daqiiqaddii 18-aad ayay heleen gool waxaana saxiisay Messi waxa uu aha agool aad u qurxoon oo Free Kick toos ah , waxa ayna taasi sii xoojisay maamulka Barca ee kubadda waxa ayna heerka kubad haysashada Barca gaartay %74

Real Betis oo ku tiirsaneyd kubadaha rogaal celiska ah waxaa loogu daray gool labaad oo cajiib ah isla Messi ayaa dhaliyay daqiiqaddii 45-aad .

Soo laabashadii , labada koox kubad deg degsiimo leh ayay ciyaarayeen waxa ayna Betis isku dayayeen in tirada goolasha soo yaraayaan balse waxa ay dhib badan kala kulmeen Messi oo kulankaan kacsanaa

Betis qeybta labaad waa ay wacnaayeen balse waxaa ka maqnaa caqligii daafaca Barca u jiiri lahaayeen waxa ayan ciyaarta aheyd mid u furan labada koox , waxana Barac fursaod xaqiiq ah ka qsaarinayay Suarez .

Qeybihii dhexe , Barca duullaan kala joogsi laheyn ayay qaadaan waxa ayan helkeen gool sedexaad oo Suarez ayaa in kubadda qadjka dhgxe ka soo qaatay waxa uu dhulka dhigay oo uu gooya sedex daafaca ka dibna si cajiib ah ayuu shabaqa u dhigay daqiiqaddii 63-aad

Dhamaadklii Barca sidaas uma sii halis badneyn balse guud ahaan waa ku jiray hammi ah in ay helaan gool sededxaad halka Betis u muuqdeen kuwo iso dhiibay waxaana gool raadis aha Siarez .

Kooxa martida loo ahaa waxa ay daqiiqadihii geerida keeneen gool waxaana daqiiqaddii 82-aad dhaliyay Loren Moron , wax aayan ciyaarta u muuqatay mid Barac keeni doonto gool 4-aad waxaana dagaal ku jiray Messi oo ugu dambeyn dhaliyay gool 4-aad isna u ahaa kiisii sedexaad waxa uuna goolkaas yimid daqiiqadii 85-aad , waxa ayan ciyaarta ku dhamaatay 4/2

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here