Barcelona Oo Si Weyn Hoos Ugu Dhigtay Qiimaha Ay Ku Iibinayso Phillipe Coutinho & Kooxda Ugu Cad-Cad In Uu Ku Biiro Oo La Ogaaday

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay diyaar u tahay in ay lacag badan khasaarto si ay isaga iibiso xiddiga Philippe Coutinho Marka la gaadho suuqa xagaaga ee dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Philippe Coutinho ayaa ku dhibaatoonaya in uu saamayn ku yeesho kooxda Barcelona kadib markii uu suuqii Janaury ee sanadkii hore kaga soo biiray kooxda Liverpool.

Wargayska Goal ayaa sheegaya in ay Barcelona haatan go,aansatay in ay iska iibiso xiddiga reer Brazil hadii ay koox miiska u saarto lacag dhan 70 milyan oo euro.

Taas ayaa la macno ah Barcelona ku luminayso lacag aad u badan 26 jirkan oo ay markii hore ula soo saxiixatay badalka Neymar.

Kooxda Man United ayaa lala xiriirinayaa xiddiga si ay dib ugu celiso Prmeier League kana qayb dhigto dib u dhiska kooxda ee xagaaga.

Laakiin wararka ayaa sheegaya in uuna xiddiga reer Brazil ku biiri doonin kooxda ay sida weyn u xafiiltamaan kooxdiisii hore ee Liverpool.

Taas ayaa keenaysa in ay kooxda PSG tahay kooxda kaliya ee diyaarka u ah in ay xiddiga miiska u saarto lacag badan si ay saaxiib ugala dhigto Neymar.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here