Barcelona Oo Shaacisay Hal Xiddig Oo Laga Saaray Liiska Xiddigaha Ka Hor Tagi Doona Sevilla & Arsenal Oo Ay War Fiican U Tahay

Kooxda Barcelona ayaa xaqiijisay hal xiddig oo seegay ama laga saaray Liiska xiddigaha caawa la ciyaari doona kooxda Sevilla kulan ka tirsan tartanka Copa Del Rey-ga

Kevin-Prince Boateng ayaa xalay si Rasmi ah tababar ula qaatay xiddigaha cusub ee kooxda Barcelona taas oo keentay in uu ku soo boxo liiska xiddigaha ka hor tagi doona Sevilla.

Taas ayaa keentay in ay kooxda Barcelona Liiska ka saarto xiddiga khadka dhexe ee Denis Suarez kaas oo si weyn loola xiriirinayo kooxda Arsenal.

Barcelona oo warbixin ku soo saartay ayaa yidhi” Kadib markii la xaqiijiyay saxiixa Kevin-Prince Boateng, waxa jiray 18 xiddig oo loo soo xushay kulanka Sevilla sidaas darteed Denis Suarez ayaa Seegi doona Liiskaas”.

Warkan ayaa war fiican u ah kooxda Arsenal kuwaas oo doonayay saxiixa xiddiga waxana ay u muuqataa in uu xiddigu haatan xaqiiqsaday in uuna wax mustaqbal ah ku lahayn kooxda.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here