Barcelona Oo Sedex Gool Uga Talaabsatay Eibar , Suarez Iyo Messi Ayaa Kala Qeybsaday Goolasha.

0

Barcelona ayaa kulanka ku biloowday iyaodo uu ku jirro hami ah in sedex dhibic kala baxaan kulankaan , waxa ayna cadaadis ku saareen kooxda Eibar oo ay qeybtaas hore kubadda ka haysteen waxa ayna nasiinada ugu direen hal gool oo nadiif ah .

Biloowgii , Eibar waxa ay ku tiirsanaayeen kubadaha rogaal celiska ah kaliyana hal fursad ayay heleen balse kama aysan faa`ideysan halka goolka Barcelona-na uu yimid daqiiqaddii 19-aad waxaana dhaliyay Suarez ka dib kubad si wacan looga soo shaqeeyay .

Ka doib goolkaas , Barca ayaa kubadda maamuleysay halka kooxda martida ah ay ku jireen is difaacid waxa ayna kubad haysashada Barcelona ee qeybtaas gaartay %60.

Qeybta labaad , billoowgii ma jirin wax si gaar ah loo laga qoro kulanka waxa ayna ciyaarta aheyd mid deggan halka Eibar-na ay ciyaarayeen kiubad kalsooni ay ku dheehan tahay .

Balse halista Barcelona waxa aya aheyd mid taagan waxa ayna daqiiqaddii 53-aad heleen gool labaad waxaana saxiixay Messi ka dib baas uu ka helay Suarez .

Ka dib goolkaas , Eibar waxa ay xoogga saarayeen in kubadda ay gaarsiiyaan afka hore Barcelona balse waxaa ka maqnaa dhameystirka waxaana lagu helay gool sedexaad oo uuu saxiixay Suarez.

Barcelona mararka qaar halis ayay giliniyeen Eibar kuwaasi oo weerarka ku soo xoomay taasi badalkeena soo baneeyay daafaca waxaana kooxdaas daqiiqadi 75-aad laga bad baadiya fursad weyn waxaana gool u diiday goolhaye Ter Stegen .

Dhamaadkii , Eibar cadaadis xooggan ayay Barca saartay balse dadaalkooda waxaa diidanaa goolhayaha Barca waxa uuna weerarkooda ahaa mid deg degsiimo leh balse goolhayaha ayaa hor taagnaa waxa ayna ciyaarta ku dhamaatay sedex gool oo nadiif ah oo ay guusha ku raacday Barca

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here